Turkiga oo Black Sea ka helay gaas kale oo dabiici ah & waqtiga lasoo saarayo

0

(Ankara) 18 Okt 2020 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in markabka saliidda iyo gaaska ka baaraya Badda Madow ee Fatih uu helay 85 bilyan oo mitir oo 3 jibbaaran oo gaas dabiici ah, taasoo tirada guud ee la helay gaarsiinaysa 405 oo mitir oo 3 jibbaaran.

Turkey ayaa doonaysa inuu gaaskaasi diyaar noqdo sanadka 2023, sida uu sheegay Erdoğan isagoo tilmaamay in “kaydka Black Sea uu yahay midka ugu ballaaran ee ilaa iminka la helay,” taasoo ka caawin doonta inuu Turkigu kaga maarmo ku tiirsanaanta gaaska uu dibedaha ka keensado.

Bishii Agoosto, isla Erdoğan ayaa sheegay inay heleen 320 bilyan oo cm meel 100 nm woqooyi ka xigta xeebaha Turkiga, iyadoo uu markabka Fatih uu haatan ka shaqaynayo Tuna-1 oo ku taalla Sakarya Gas Field ee Black Sea, oo ah halka uu ceegaago kaydka ugu badan.

Hadalsame Media

Facebook Comments