DAAWO: Gabar uu dhalay Donald Trump oo laga sameeyey IIDHEH bahdil ah (Maxay samaysay?)

0

(Miami, FLA) 16 Okt 2020 – Waxaa mar qura cirka isku shareeray haashtaag cusub oo la yiraahdo #byetiffany kaasoo lagu weerarayo gabadha ugu yar gabdhaha Donald Trump.

Gabadha bah gaarka ah ee Tiffany Trump ayaa lagu haystaa in ay 11-kii bishan Oktoobar ay xaflad sanad guuradii 27-aad ee dhalashadeeda oo ahayd mid qaali ah ku dhigatay magaalo xeebeedka diirran ee Miami ee Gobolka Florida, jeer qoysas badan lagu khasbayo inay kala sikadaan ama shaqooyinkooda ka baaqdaan cudurka faafa ee coronavirus dartii.

Muuqaallo ay soo dhigtay Instagram oo muujinaya cashadeeda tadha’dey oo ay ku jireen cabitaanno dhowr ah iyo xirmooyin Sushi ah ayay dadka aad u hadal hayaan.

Waxaana ay dadku ku lifaaqayaan sheekooyin ku saabsan dad loo diidey inay ka qayb galaan duugta ehelkooda oo u dhintay cudurka Covid-19 oo u si xil leh ula xaalay aabeheed oo xukunka haya, aroosyo la kansalay, ganacsiyo iyo iskuullo albaabada loo laabay.

Arrintan ayaa xitaa laga sameeyey iidheh halku dheg looga dhigay “Adigu wax baad huraysaa. Iyagu waa dabaaldegayaan.”

Tiffany ayaan inta badan lagu arkin madlaha qoyska Trump iyadoo lagu xanto in aanu jeclayn oday Trump-ka aabbeheed ah.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media