Midowga Yurub & Kenya oo gabar Soomaali ah darteed ku kala dhiman gaarey (Maxaa dhacay?)

0

(Nairobi) 16 Okt 2020 – Dowladda Kenya ayaa warqad ashtako ah u qortay Midowga Yurub oo ay ka tabanayaan inay gabeen oo khiyaaneen kaddib markii ay ka bexeen ballan ay kula galeen inay taageerayaan diblomaasiyadda Soomaaliyeed ee Amina Mohamed oo ay Kenya u doonaysey inay noqoto Madaxa Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Ilo ku dhow dowladda iyo xayndaabyo diblomaasiyadeed ayaa Standard u sheegay in EU-du ay ballan qaadday taageero hiil iyo hooba leh oo iskugu jirta mid dhaqaale iyo mid farsamo sida in ay door qalqaalo qaadanayaan.

Yeelkeede, jeer Dowladda Kenya ballantaas lagula galay magaalada Nairobi, waxaa sidoo kale soconayey dedaallo kale oo ka dhacayey xafiisyada EU ee Brussels oo ku xisaabtamaya musharrax kale.

EU ayaana si cad u diiddey musharraxnimada Amina oo ay sheegeen inaysan ka tarjumaynin mabaadii’da iyo ahdaafta WTO, iyadoo ay Kenya eersatay xiriirka dhow ee ay la leedahay Shiinaha oo dalalka Afrika siiya qaamo ay sahal ku bixinayaan balse hadhoow ay adag tahay in laga lug boxo.

Waxaa xilkan isu soo taageey marka Amina laga yimaado, Okonjo-Iweala oo Nigeria metelayey, Yoo Myung-hee oo South Korea, Mohammad Maziad Al-Tuwaijri oo ka socdey Saudi Arabia iyo Liam Fox oo UK ah, iyadoo ay Kenya aaminsan tahay in Amina ay xilka hogaaminta WTO oo 164-xubnood ka kooban ay kusoo baxayso.

Yeelkeede, markii la codeeyey waxay Midowga Yurub garab istaageen musharrixii Nigeria ee Ngozi Okonjo-Iweala, taasoo beerka ka wareentay Kenya oo aan taa filaynin.

Wargayska The Standard ayaa ugu dambayn sheegay in tiiyoo ay Kenya tillaabadan aad uga xumaatay aanay misna kula kala dhiman doonin EU oo sida uu qoray ay jaal ku yihiin ”nabadaynta Somalia iyo badda”.

Hadalsame Media