FALANQAYN: Hannaanka dimuqraaddigu muxuu ku wanaagsan yahay?

0

(Hadalsame) 17 Okt 2020 – U gu horrayn dadku wax ay yeeshaan xorriyad ay ku doortaan cidda u maamulaysa danaha ka dhexeeya.

Taasi dadka mar wax ay ka badbaadisaa in naftooda iyo maalkoodu gacanta u galaan dad aan mudnayn ama iyagu danaysta, mar kalena wax ay siisaa cisi iyo karaamo nafsiyadeed, waayo wax ay dareemaan in ay iyagu macnaha noloshooda iyo masiirkooda masuul ka yihiin.

Waxaa yaraada is dulmiga awoodeed iyo dhaqaale, waxaa yaraada lunsiga hantida guud iyo ku takrifalka xilka dadka loo hayo, dabadeed waxaa xoogaysta xasilloonida bulsheed iyo is xaqdhawrka.

Dimuqraadiyaddu wax ay keentaa in ay taliyaan oo danaha maamulaan hawlwadeen xul ah qofba waxa uu ku habboon yahay, dabadeed waxaa soo baxa waxqabad ummadeed oo tayo wacan.

Waxaa sarreeya oo la ga haybaystaa sharciga, waxaana baqa oo dhawrsada dadka masuulka ah.

Waxaa yaraada khasaaraha iyo halista ka dhalan kara go’aan qaadasho qof qar-iska-tuur ah, waayo taladu wax ay gashaa maskaxo badan iyo wadatashi.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura.

Hadalsame Media