”Dagaal u diyaar garooba!” – Saxaafadda Maraykanka oo ka walaacsan war uu MW Shiinuhu ciidankiisa u sheegay

0

(Guangdong) 15 Okt 2020 – MW Shiinaha ee Xi Jinping ayaa ciidankiisa ugu baaqay in ay ”heegan sare galaan oo ay niyad ahaan iyo tamar ahaanba dagaal u diyaar garoobaan”, mar uu booqasho ku tegey saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Guangdong, sida ay werinayso wakaaladda Xinhua.

Ninkan ayaa warkaa ka sheegay saldhig ay leeyihiin Ciidanka PLA qaybta badda oo ku yaalla magaalada Chaozhou, Xinhua wuxuuna ciidanka kula dardaarmay in marka laga soo tago inay diyaar ahaadaan ay sidoo kale noqdaan kuwo daacad iyo nadiif ah isla markaana la isku hallayn karo.

Ujeedka ugu wayn ee booqashada Xi ee Guangdong ayaa ahaa in uu khudbad ka jeediyo sanadguurada 40-aad ee asaaska Shenzhen Special Economic Zone, oo la dhidbey 1980-kii taasoo keentay inuu Shiinuhu soo jiito maalgashi caalami ah iyo raasumaal badan, taasoo uu maanta ku noqday dhaqaalaha 2-aad ee dunida ugu ballaaran.

Yeelkeede, waxay booqashadani sidoo kale kusoo beegmaysaa jeer ay sii karraarayso xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Maraykanka oo aad iskugu khilaafsan arrimaha Taiwan iyo faafaha coronavirus oo aad iskugu ligay Washington iyo Beijing.

Hadalsame Media