Weligaa DALLAAL ma noqoteen ee ma is disheen 20 dowdar? (Sheek maad badan)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2020 – Dallaal ma noqotay weligaa? Oday aan kor iska naqaanay baa ii yimid. Mooto bajaaj uu cunuggiisu toban iyo siddeed shil ka badan ku galay buu i yiri ” adeeroow suuqa ku celiye wax iiga ceymi”.

Maalmahaan suuqa mootada celiskaa lagu gado wuxuu ka furan yahay Labadhagax. Halkii baan geeyay. Waa laygu soo yaacay. Odagii markuu arkay dadkaan lacagta la kala firxanaya baa hungurigii isgoyska Taleex la ekaaday.

26000 (Laba kun iyo lix boqol) hadday nus Dollar dhiman tahay meel ha iga taaban ayuu iska soo jaray. Anigii waa ku wareeray dallaalayda wada beenta badan ee beeca daqiiqad daqiiqadda kaaga baxaya.

Mar ay duhurkii tahay oo indhuhu ay oon nala casaadeen baa mid qamiis cad lacagtii aan rabnay noo gaaray. Anigu labaatan iyo shan Doolar baan leeyahay, waase marka nootaayada lagu kala wareego.

Layaabku wuxuu dhacay markii aan nootaayadii tagnay ee la ogaaday in buugga mootada uu ku qoran yahay wiilkii shilalka badan geliyay ayna qasab tahay in aan isagii keenno weliba isagoo wax aqoonsi ah wata. Xaafaddii baan u soo laabannay.

Wiilkii xalay saq dhexe ayuu xeebta Liido ka yimid isagoo cirka iyo dhulka u dhaxeeya. Hadda sariirta ayuu kala waran yahay ogaalna ma jiro. Marka uu rabo inuu hadlo carrabkiisa waxaad mooddaa rikoor Artech ah oo betterigii inta ka dhamaaday canjaladdii calaajinaya. Si dhib badan baan nootaayadii ku geeynay.

Markii lagu kala wareegay waxaa heshiiska ku jiray in ninka mootada gatay uu xaafaddii noo celiyo. Wadadii markii aan soo galnay waxaa afka furtay kii cabsanaa “niikaad billowday miyaa, mootada anaa leh ee tartiib iigu wad”. Kii mootada gatay waa cabsaday. Markaas suuqa Xamarjadiid baan dhex maraynaa. Laba dollaraan idiin tuuraa ee mooto kale qabsada ayuu iska soo jaray.

Ninkaan dhitaysan ee mootada laga gaday waa laga kala dhuumanayaa oo aabihiina nootaayadii buu nooga haray, anigii uun baan isku soo harnay. Kulleetiga ayuu igu dhagay waddada dhexdeeda isagoo leh shan Dollar oo fadhiga maanta ah meel ku sheeg.

Mar aan isku wareernay baan saddex Dollar u tuuray. Halkii iigama harine waa ila socoyaa. Koox ciyaalka xaafadda ah oo isaga ay isgaranayaan oo inta bariis sabeed ka soo dhargay meel darbi ah ku layrsanaya baan ku soo dhacnay. “Cabtooyga, cabtooyga!!” ayay nagu salaameen.

Dhagax weyn inta uu ku tuuryay ayuu ka soo cararay. Anigoo iska sii luudaya ayaan ka war helay bulukeeti is qaba oo qoorta ilaa garabka damag laygaga siiyay. Waan wareeray markii hore oo meel laygaga yimid baan garan waayay.

Dhiig igama imaan madaxa ayaase i bararay. Dib baan ciyaalkii ugu soo laabtay. Laba nin oo waddada maraysay oo aan u maleeyay darawallo Inataree oo bac qaad ah iyo laba bacbacle oo shaah ah wata ayaa i yiri ” cunugga funaanadda guduudan baa kugu dhuftay”.

Labaatankii cunug Vs aniga iyo labadii darawal. Waxay noogu goobteen sidii xulka jarmalku ay Barazil ugu goobteen oo kale. Hal feer markaan ridno afartan baa nagu dhacaysay.

Xaafaddii ayaa muslim ilaahay oo na badbaadiya ay ka soo yaaceen. Midkii cabsanaa ewelba ilmaha way isgaranayeene meel halkaana ayuu qosol la jilba jabsaday. Halkii baan ka tegay ayadoo boorka iyo ciidda madaxa iiga buuxda laga acuudu billaysanayo. Kabahaygii midbaa u go’day si aan ceymasho lahayn.

Laba toddobaad kaddib baan meel aroos ah isku aragnay odagii, wuxuuna igu yiri ” ma ninkii Bajaajtayda raqiista iga gadayaa?”.

Celis…..

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media