”Aan difaacno Masiixiyadda ugu qadiimisan dunida!” – Wasiir Dibadeedkii Czech oo dagaalka Armenia-Azerbaijan ku sheegay mid u dhexeeya Masiixi & Muslim

0

(Prague) 15 Okt 2020 – Siyaasi u dhashay dalka Jamhuuriyadda Czech ayaa biyo kulul ku dhacay kaddib markii uu dagaalka ka dhex socda Armenia-Azerbaijan uu kusoo koobay mid u dhexeeya Masiixiyadda iyo Islaamka.

Ninkan oo ah diblomaasi sare maadaama uu noqday Wasiir Dibadeedka Czech Republic ayaa weliba intaa sii dhaafay isagoo reer Yurub ugu baaqay inay la saftaan Armenia oo hardan kula jirta Azerbaijan.

“Aannu caawinno dalka ugu qadiimisan Kirishtaanka dunida,” ayuu yiri Karel Schwarzenberg, oo haatan ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Czech.

Warka ninkan ayaa si xarfi ah loogu qaatay farriin caraadin ah oo ku jeedda Masiixiyiinta iyo xag-jirka Yurub taasoo ka dhan ah Muslimiinta.

Yeelkeede, siyaasigan Schwarzenberg ayaan xitaa ka mid ahayn siyaasiyiinta midita fog, balse farriintan uu adeegsadey waxaa badiyaa isticmaala kooxaha midigta fog ah iyo wixii ku jira xayndaabkooda siyaasadeed.

Nin ka tirsan mucaaradka Azerbaijan, Ilgar Mammadov, ayaa dhaleeceeyey warka Schwarzenberg isagoo ninkan ku eedeeyey “khiyaano” iyo “cunsuriyad.”

Hadalsame Media