”Yaminigii uu lacag dayn ah ku lahaa Soomaali gaari u dhaqay, maanta isaga ayaa gaari ka dhaqaya Somalia!” – Akhri doodda ka socota dalka Yaman

0

(Muqdisho) 14 Okt 2020 – Somalia oo sanado badan qalaanqal iyo qaxar ayaa haatan soo kabanaysa waloow ay weli ka jiraan qaraxyo iyo siyaasado kharriban oo wiiqaya hinqashada qaranka waloow la dili la’yahay shucuurta dadka qaar oo dhankaa u jeedda.

Waxaa haddaba soconaya doodo ay baraha bulshada ku wadaagayaan shucuubta Carabta oo waloow ay wax badani Somalia ka khaldan yihin misna tusaale fiican iyo mid xunba usoo qaadanaya Somalia.

Waxaan soo qaadanaynaa qoraal uu sameeyey Wasiirkii hore ee Dhaqanka ee dalka Yaman Khaalid Ruwayshaan oo shacabkiisa kusoo jeediyey horumarka Somalia, si uu ugu caraadiyo una tuso in haddiiba ay Somalia sidan usoo kabanayso ay iyaguna dhibka ka bixi karaan.

”Halkani waa Muqdisho, caasimadda Somalia-da maanta!. Waxay iska eryeen Imaaraad mana yaqaannaan Sucuudi iyo cid ku qabsata go’aankooda. Waxay leeyihiin hoggaan daacad ah oo aan hurdin waxaana ku amaanan Wasiirka Maaliyad oo Afrika ka tilmaaman.” ayuu soo qoray.

Waxaa kaddib jawaabo ka bixiyey boqollaal dad ah oo Yamani u badan. Mid baa soo qoray: ”Yaminigii uu lacag dayn ah ku lahaa Soomaali gaari u dhaqay, maanta isaga ayaa gaari ka dhaqaya Somalia.”

”Waxaan meel ka akhriyey in halkan (Somalia) maanta ay gawaarida ka dhaqaan dad Yamani ah, dunida iyo waqtiguna sidaas ayay u wareegaan.” ayuu soo qoray mid kale.

وللأسف قرأت أن هناك يمنيون يغسلون السيارات وهاهي الدنيا تدور والزمان يجور !
بالتوفيق للصومال وشعبها والله يحفظهم من مكر الماكرين وعقبى لنا بإذن الله .

Hadalsame Media