”RW hore ee Abiy Ahmed wuxuu Afeworki u ogolaaday inuu ”kufsado Itoobiya!” – Wasiir Dibadeedkii Itoobiya

0

(Addis Ababa) 14 Okt 2020 – Wasiir Dibadeedkii hore ee Itoobiya, Seyoum Mesfin, oo ka mid ahaa gacmihii midig ee RW Senawi ayaa ku eedeeyey RW Abiy Ahmed inuu u ogolaaday MW Ertrea, Isaias Afeworki uu “kufsado Itoobiya” isagoo kusoo dhuumanaya iskaashi.

Waraysi uu siiyey Tigray Mass Media Agency, Seyoum oo laftiisu Tigree ah ayaa sheegay in keenista ciidamada amaanka ee Eritrea ee ciidda Itoobiya ay ka dhan tahay madax bannaanida Itoobiya iyo dhaxalkii jabhadda Tigray People Liberation Front (TPLF).

Seyoum Mesfin oo RW Abiy Ahmed ugu yeerey “RW hore,” ayaa sheegay inuu dhamaaday muddo xileedkiisu isla markaana uu haatan dalka sharci darro ku xukumayo si uu u meel mariyo qabkiisa shakhsiga ah.

Wuxuu sidaa darteed ku baaqay in la dhiso “dowlad KMG ah” isagoo qiil ka dhigtay in maadaama uu dhamaaday muddo xileedkii xukuumaddu ay sidoo kale dhacayaan Aqallada kala ah midka Federeeshinka iyo kan Wakiillada ee DF Itoobiya, si buu yiri looga boxo “qalalaasaha qotada dheer ee Itoobiya muquuranayso.”

“Itoobiya waxay taagan tahay meel isgoys ah waxayna maraysaa xaalad aad xasaasi u ah oo hubaan la’aaneed, mana qabo in madaxdu ay ogyihiin waxa ay tahay inay sameeyaan,” ayuu ku dooday Seyoum, isagoo Abiy ku eedeeyey ”khiyaano qaran” maadaama uu Masar kala xaajoodey biyaha Itoobiya si ka duwan moowqifkii nidaamkii Tigreega, sida uu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey in heshiiska Itoobiya iyo Eritrea ee 2018-kii aanay weli cidina ka macaashin oo aysan labada dal isu gudbi karin, marka laga reebo booqashooyinka madaxda sare isugu tagaan, isla markaana aanay dowladani qaban wax ka badan dayactirka madaxtooyada iyo jardiinooyin ku yaalla caasimadda, jeer ay baahi ku nool yihiin 30 milyan oo Itoobiyaan ah oo u baahan rooti ay cunaan.

Hadalsame Media