Maraykanka oo Imaaraadka ku cadaadinaya arrin HALIS ku ah dalalka kale ee gobolka Bariga Dhexe

0

(Washington, DC) 14 Okt 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa waydiistey Dhaxal-sugaha Imaaraadka ee  Mohammad Bin Zayed inuu dalalka kale ee gobolka ku dhiiri geliyo inay xiriir la samaystaan Israel, sida uu qorayo Arab48.

U qaybsanaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Judd Deere ayaa sheegay in Trump uu Bin Zayed kala hadlay wararkii ugu dambeeyey ee Bariga Dhexe mar ay telefoon ku wada sheekaysteen.

Trump, ayaa sida uu Deere sheegay, wuxuu Bin Zayed waydiistey inuu dalalka kale ee gobolka ku qalqaaliyo inay raacaan raadka Imaaraadka oo galay wax lagu sheegay ”heshiiskii Ibraahiim” marka ay timaado caadiyaynta xiriirka Israel oo haatan Maraykanka u adeegsanaysa inay xoog xiriir kula yeelato dalal badan oo Khaliijka ah.

Arab48 ayaa intaa raaciyey in Maraykanku uu haatan Suudaan ku khasbayo inuu xiriir nabadeed la saxiixdo Israel isagoo taa ku xiraya in Suudaan laga saaro liiska dalalka argagixisada naas nuujiya.

Dalalka Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa 15-kii Sebtember waxay heshiis nabadeed la galeen Israel, kaasoo lagu saxiixay White House lawn, iyadoo la fahamsan yahay in Baxrayn lagu dirqiyey heshiiskaas oo ay horay u diiddey.

Hadalsame Media