”Somalia waxay bullaashay markii ay Imaaraadka iska cayrisey!” – Twitter Carbeed oo aad u hadal haya Somalia

0

(Muqdisho) 13 Okt 2020 – Twitter u dooda arrimaha Carabta oo beryihii dambe qaab caraado iyo cowrinba iskugu jira uga hadlayey Somalia ayaa markale soo qoray farriin uu ku muujinayo inay Somalia soo socoto waxna soo siddo.

”Halkani waa Somalia, oo aysan qaarkiin ku aqoonin wax badan faqri, musiibo iyo dagaalllo. Tani waa Somalia, oo ah dal ay dadkiisu badankii u cararay Yaman,” ayaa lagu qoray Twitter Raadic Al Carabi.

Marka uu halkaa marinayo ayuu doonayaa inuu muujiyo in Somalia aysan maant ahayn midda loo malayn jirey, balse ay madaxa lasoo kacayso.

”Somalia maanta ma aha waxa aad moodayso, way soo kabatay, kacday oo bullaashay dhaqaale, dalxiis iyo hormar ahaanba, kaddib markii ay iska cayriyeen Shakhbut.” ayay raaciyeen iyagoo magaca dambe ula jeeda Imaaraadka.

Shakhbut bin Sultan Al Nahyan wuxuu ahaa ninkii uu xilka ka dhaxay Sheikh Zaayid oo ahaa ninka Imaaraadka casriyeeyey oo ay sidoo kale walaalo ahaayeen.

Madaxda iyo qaar badan oo ka tirsan shucuubta Carabta ayaa badiyaa u janjeera dhanka inay Somalia ka dhigaan tusaale liita, waloow aysan eedda iyagu lahayn.

Hadalsame Media