”Waxaan UAE siinaynaa F-35 ay raadaarradiinnu arki karaan!” – Imaaraadka oo jar fiican loo degey

0

(Washington, DC) 13 Okt 2020 – Maraykanka ayaa doonaya in uu Imaaraadka ka iibiyo dayuuradaha F-35 ee raadaarka ka dhuunta, balse wuxuu samaynayaa qaab ay Israel ka raalli tahay oo ah in meesha laga saaro muuqaalka saamaxaya inay raadaarka ka dhuuntaan si hoos loogu dhigo tayadooda istaraatijiga ah.

Ilo ku dhow wada xaajoodka ayaa sheegaya in ay Imaaraadku doonayaan in heshiis uu dhoco kahor 2-da Diseembar oo ku beean Maalinta Qaranka Imaaraadka, sida uu dhigayo Israelhayom.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa doonaya in uu ilaaliyo heshiis soo jireen ah oo uu kula jiro Israel oo dhigaya gacan sarraynta ciidan ee Israel ugu yaraan dhanka tayada, marka loo eego hubka uu Maraykanku siinayo dalalka gobolka ama kuwa deriska la ah.

Washington oo taa maanka ku haysa ayaa haddaba daraasadaynaysa iyadoo kaashanaysa Lockheed Martin Corp oo samaysa F-35 in dayuuradaha Imaaraadka laga iibinayaa ay noqdaan kuwo u bandhigan raadaarrada Israel.

Reuters ayaa qoraysa inaan weli la hubin in gebi ahaanba la dilayo awoodda is qarin ee dayuuradahan Imaaraadka la siinayo iyo in Israel la siinayo raadaar gacan dheer oo arki kara dayuuradaha raadaarka ka dhuunta.

Wasiirka Gaashaandhigga Israeli ee Benny Gantz oo dhiggiisa Mark Esper kula kulmay Washington ayaa la filayaa inay arrimahan isla soo qaadeen bishii tagtay, sida haatan la helayo.

Safaaradda Imaaraadka ee Washington ayaa diidey inay ka hadasho waxa ay arrintan ka ogtahay. Waxaa sidoo kale ka gaabsaday Aqalka Cad, sida ku qoran Israelhayom.

Hadalsame Media