Qatar Airways oo ka mid noqotay sharikaad kooban oo muddo yar ku sheegi kara natiijada cudurka Covid-19

0

(Dooxa) 13 Okt 2020 – Maareeyaha Guud ee Qatar Airways, Akbar Al Baker, ayaa ku dhawaaqay in shirkaddiisu ay ka mid noqotay kuwa ugu horreeya caalamka ee tahli doona in dadka muddo gaaban looga baaro cudurka Covid-19 natiijadana loo sheego.

Baker ayaa sheegay in haatan ay baarista cudurka karoonuhu caalamkii duullimaadyada ku noqotay caqabad kale oo ay tahay in laga gudbo, balse ay tani noqonayso “khabar wanaagsan”.

Wuxuu sheegay in ay shirkad dawada sameeysa oo la yiraahdo Roche ay ka dalbadeen boqollaal kun oo ah mashiinnada la isku baaro, iyadoo jawaabta lagu heli doono muddo 15 daqiiqadood ah.

“Waxaannu doonaynaa in aannu safka hore ka galno u raaxaynta rakaabkeenna, marka lagu safrayo Qatar Airways – dadku waxay ku jiraan gacmo amaan ah.” ayuu yiri Baker oo sheegay inay taa bilaabayaan bartamaha bishan Oktoobar.

Arrintan ayaa noqonaysa tillaabo aad muhim u ah oo horay loo qaaday tan iyo markii ay WHO ku dhawaaqday in cudurkani uu yahay ”faafe caalmi ah.”

Hadalsame Media