Khayrre waa ku waajib inuu ka hadlo warka ay soo qortay Senetarad Falxado

0

(Niarobi) 13 Okt 2020 – RW hore ee Somalia, Xasan Cali Khayrre, ayaa maanta wuxuu kulan magaalada Nairobi kula qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaalida ah ee ku kala jira labada aqal ee dalkaasi.

Khayrre ayaa war kooban oo uu boggiisa ku faafiyey ku sheegay inuu kulanku ku saabsanaa wada tashi qayb ka ah kulamo uu la yeelanayo dadka Soomaaliyeed ee gobolka isagoo carrabka ku dhuftay inuu horay usoo arkay MW Jabuuti.

Yeelkeede, waxaa kaddib qoraal boggeeda soo dhigtay Senataradda Falxado Deeqow Iimaan oo qoraallo is burrinaya ku sheegtay inuu Khayrre kala hadlay in arrinta badda lagu dhameeyo xal waara lagu dhameeyo isla markaana la wanaajiyo xiriirka labada dal.

Haddaba, waloow aysan nidaam ahaan aan xiriirka labada dal aysan haatan ka wada hadli karin labadan dhinac, isla markaana in xal waara la gaaraa aysan ka dhignayn in badda Somalia laga tanaasulo oo aysan aqbalayn shacabku, misna waxaa arrinta sii daraamaysay markii ay in yar kaddib ka cudur daaratay qoraalkeedii.

Haddaba, Khayrre oo aan isagu qoraalkiisa ku xusin wax ku saabsan bad iyo xiriir laba dal waxaa ku waajib ah in uu arrintan markale ku noqdo oo sharroxo si aan sumcaddiisa loogu wasakhaynin arrintan, haddii uusan la qabinna waa inuu sharraxaad ka bixiyaa sida ay wax u dheceen.

Hadalsame Media