”Waa cabsi gelin rakhiis ah!” – Shiinaha oo soo bandhigay muuqaal uu qaab jillin ah ku qabsanayo Taiwan + Sawirro

0

(Beijing) 13 Okt 2020 – Dalka Shiinaha ayaa ku hanjabey inuu qabsanayo Taiwan oo ah dal is maamula balse aanay cidina aqoonsanayn, iyagoo soo bandhigay muqaallo jilliin ah oo muuujinaya Shiinaha oo ”qabsanaya” jasiiraddan mar ay ciidamadu dhoollatus sameeynayeen.

Muuqaalkan oo laga sii daayey hilinka dowladda ee CCTV ayaa waxaa laga arkayaa Ciidanka PLA oo qaab jilliin ah u muujinaya iyagoo weerar ballaaran ku ekeeynaya jasiiraddan fallaagada ah kaddibna qabsanaya.

Muuqaalkan ayaa imanaya jeer uu cirku marayo muran u dhexeeya labada dhinac kaddib markii ay Beijing sii daysey muuqaal ay uga hadashiinayso nin ganacsade ah oo Taiwanese ah oo ay ku eedeeysay inuu u basaasayey dhanka Taipei.

Beijing oo aan qarin sida ay u doonayso inay dib u liqdo jasiiraddan oo 70 sano ka badan is maamulaysey, ayaa cadaadiska kordhisey tan iyo markii 2016 la doortay MW Tsai Ing-wen, oo si cad u diiddan in Taiwan ay qayb ka tahay dal waynaha China.

Khudbad ay Sabtigii jeedisey ayay Shiinaha oo ay u qirtay inay saamayntiisa caalamiga ihi kordhayso, waxay ku eedaysay inuu wado wax ay ku tilmaantay ”cabsi gelin rakhiis ah”, iyadoo soo jeedisey in aan gobolka looga baahnayn xiisadda ay abuurayso Beijing, sida ay tiri.

Hadalsame Media