Amiirka cusub ee Kuwayt oo soo bandhigay moowqifka uu ka qaadanayo qadiyadda Falastiin

0

(Kuwayt) 06 Okt 2020 – Amiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay dalka Kuwayt, Amiir Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah, ayaa ku celceliyey moowqifka dalkiisa ee ku salaysan taageerada Falastiin iyo xaqa ay u leeyihiin in uu dalkoodu xoroobo.

Wuxuu warkiisu kusoo beegmay kaddib markii uu kulan la qaatay RW Maamulka Falastiin (PA), Mohammad Shtayyeh, oo kuwayt u booqday inuu uga tacsiyeeyo geeridii Amiir Sheikh Sabah Al Ahmad Al Jaber Al Sabah oo isagoo 91-jir ah Maraykanka ku geeriyoodey Talaadadii.

Sheikh Nawaf ayaa sheegay inuu raaci doono raadkii ninkii isaga ka horreeyey isagoo taageero hiil iyo hooba leh u ballan qaaday shacabka Falastiin.

Yeelkeede, Press TV ayaa qoray in Sheikh Nawaf uu sidoo kale la hadlay Madaxa Xamaas, Ismail Haniyeh, kaasoo uu Khamiistii hore u sheegay in aanu isbedeli doonin mowqifka Kuwayt ee qaddiyadda Falastiin.

Hadalsame Media