Ukraine oo matoorrada u samaynaysa KURUUSKII ugu horreeyey ee uu Turkigu farsameeyo + Sawirro

0

(Kiev) 06 Okt 2020 – Waxaa qandaraas wada saxiixday sharikadda reer Ukraine ee matoorrada samaysa ee Ivchenko-Progress, iyo shirkado kale oo sameeya matoorrada AI-35, kuwaasoo matoorrada u sameeynaya gantaalaha kuruuska ah ee Turkigu samaynayo.

Defence Express ayaa qortay war ay kasoo xigatey ProZorro, in sharikaddan ay leedahay Dowladda Ukraine ay dhowr qandaraas la gashay Turkiga, si ay matoorro ugu sameeyaan gantaalaha jiilka xiga ee Gezgin.

Matoorradan oo qayb ka ah barnaamijka Ukroboronprom, ayaa lagu xiri karaa dayuuradaha iyo hannaan cireedyada is wada iyo sidoo kale gantaalaha la hago.

Warkan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey Igor Kravchenko, madaxda shirkadda matoorrada, iyadoo la filayo in kuruuska Gezgin uu ka gacan sarrayn doono kuwa SOM iyo xitaa gantaal badeedka kale ee ay Turkigu sameeyaan ee ATMACA, marka ay timaado madaxyada ku xirmi kara iyo masaafada uu gaari karo.

Gantaalkan ayaa sidoo kale aad u shabbaha gantaalka uu Maraykanku ku faano ee Tomahawk.

Hadalsame Media