Maamul-goboleedka Tigraay miyaa doonaya inuu Itoobiya ka go’o?!! (Daawo)

0

(Addis Ababa) 06 Okt 2020 – Maamul-goboleedka woqooyiga Itoobiya ee Tigraay ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegey RW Abiy Ahmed waxay foowdo ka wadaan dalka Itoobiya.

Maamulkan ayaa qabtay doorasho aysan uga amar qaadanin Dowladda Dhexe ee Itoobiya iyo Aqalka Federayshinka, taasoo hoggaan loogu doortay Dr.Debretsion Gebremichael.

Nidaamka Tigreega ayaa haatan markale soo jeediyey tillaabo kale oo ay ku doonayaan inay gebi ahaanba uga baxaan DF ee Addis Ababa, iyagoo sheegay inay kaliya la shaqaynayaan Millateriga iyo Garsoorka Dhexe.

Haddaba, waloow aysan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin go’itaan, misna waxaa la is waydiinayaa inay Tigreegu sabab u noqon doonaan inay Itoobiya noqoto Yoguslavia-da Afrika iyo inkale.

Hoos ka daawo falanqayn uu sameeyey hilinka Al Jazeera.

Hadalsame Media