Saynisyahannada Nigeria oo sameeyey mashiin rakhiis ah oo lagu baaro cudurka Covid-19 (Wax badan oo uu dheer yahay midka caalamiga ah)

0

(Lagos) 04 Okt 2020 – Saynisyahannada Nigeria ayaa soo saartay mashiin rakhiis ah oo lagu baaro cudurka Covid-19, kaasoo dalkaa ka caawinaya inay karraariyaan baarista cudurka ee dalka ugu dadka badan Afrika..

Baarista ayaa iminka ka rakhiisan tan lagu sameeyo PCR — oo ah nooca caadiga ah — waana ka dhaqse badan tahay oo waxay natiijadu kusoo baxaysaa 40 daqiiqadood, sida uu sheegay Mac’hadka Cilmibaarista Caafimaadka ee Nigerian Institute of Medical Research (NIMR) said.

Waxaa ka daran in uu rakhiis yahay oo uu isaga dhami ku kacayo $25 doollar isla markaana ay ku shaqayn karaan howlwadeenno caafimaad oo aan lahayn khibrad aad u fara badan, sida uu sheegato Babatunde Salako oo ka socda NIMR.

Nigeria oo awal agabka wax lagu baaro kasoo degsan jirtey Shiinaha ayay taasi ku fillaan waydey dadkeeda oo gaaraya 200m.

Hadalsame Media