Denmark oo lagu qabtay dhacdo kale oo lagu gubey kitaabka Qur’aanka & rabsho dhacday + Video

0

(Copenhagen) 04 Okt 2020 – Xisbiga xag-jirka ah ee Danish-ka ah ee Stram Kurs (“Safka Adag”) ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku gubey xaafadda Fredericia oo ay ku badan yihiin Muslimiin kasoo jeedda Turkiga iyo dalal kale.

Arrintan ayay rabsho ka dhalatay iyadoo ay booliisku xireen nin ka tirsan Muslimiinta oo soo dhaafay khad ay booliisku dhigeen.

Gayfanayaal ka tirsan Xisbigan midigta fog ah oo uu wehliyo madaxa Xisbiga, Rasmus Paludan, ayaa falkan ka sameeyey magaalada Fredericia.

Dhacdadan oo markii hore lagu qaban rabey jirdiino magaalada ku taalla ayaa markii dambe loo weeciyey bannaanka meel suuq wayne ah oo ay booliisku aad u ilaalinayeen.

Xisbigan xag-jirka ah oo la sameeyey 2017-kii ayaa Muslim nacayb ku faafiya dalalka Scandinavia, waxaana ugu dambaysey kitaab ay ku gubeen Malmö oo ah magaalo ka tirsan Sweden oo 15 daqiiqo u jira caasimadda Denmark oo ay rabshooyin ba’ani ka dhasheen.

Maalmo kaddib Booliiska Stockholm ayaa rukhsad u diidey koox kale oo doonayey inay kitaab gubaan.

 

Hadalsame Media