Mudaaharaadyo caraysan oo ka bilowday magaalo Masar ku taalla kaddib markii dulmi lagu diley nin maxalli ah oo ka dhiidhinaya aabbihii oo la dharbaaxay

0

(Luxor) 04 Okt 2020 – Magaalada Luxor ee dalka Masar ayaa iminka isu bedeshey mandiqad askareed oo la ciirciiraysa gaadiidka dagaalka iyo booliiska gaarka ah kaddib markii ay isu soo bexeen dad ka caraysan dilka nin maxalli ah oo ay Booliisku si dulmi ah u toogteen.

Waxay ahayd 30-kii Sebtembar, markii uu marxuum Awais al-Rawi uu dood ka galay nin booliis ah oo aabihii dharbaaxay mar ay gurigooda soo galeen booliisku.

Murankii ayaa faraha kasii baxay, taasoo keentay inuu sarkaalka booliisku uu 4 xabbadood ku dhejiyo 38-jirkan oo ahaa aabe dhalay 2 carruur ah, sida ku cad warbixinta caafimaad ee laga qoray.

Awad al-Rawi, ooo ilma adeer la ah Awais ayaa sheeay in habeenka ay booliisku soo galeen guriga qoyska oo ku yaalla al-Awamiya, oo 30 daqiiqo u jirta macbadka taariikhiga ah ee  Luxor Temple, ay doonayeen inay soo xiraan nin agaasimey mudaaharaad ka dhan ah nidaamka kali taliska ah ee Sisis, todobaadkii tegey.

Wuxuu shilkani wuxuu imanayaa wax bil uun ka yar kaddib markii Booliiska Giza lagu eedeeyey inay dileen Islam al-Ostraly, oo ahaa 26-jir shimbiraha ka ganacsada kaddib markii uu diidey inuu Booliiska laaluush u laabo.