”Madagiz ma adigaa iska leh!” – Ciidanka Azerbaijan oo calankooda suray magaalo ay ka qabsadeen Armenia & magacii oo laga bedeley

0

(Baku) 04 Okt 2020 – Ciidanka Azerbaijani ayaa calanka dalkooda ka taagey magaalada Madagiz, oo ay ka qabsadeen Armenia, sida uu ku dhawaaqay MW Azerbaijan, Ilham Aliev.

“Maanta #Ciidanka Azerbaijan waxay calanka dalka ka taageen  Madagiz. #Madagiz annagaa iska leh. #Karabakh waa#Azerbaijan!” ayuu Ilham Aliyev ku qoray Twitter.

Aliyev ayaa sheegay in isla shalay dib loosoo celiyey magacii taariikhiga ahaa ee ay magaaladaasi lahayd oo ahaa Sugovushan.

Dagaalkan ayaa bilowday kaddib markii ay Axaddii hore ay ciidamada Armenia bar tilmaameedsadeen rayid Azerbaijani ah iyo saldhigyo ciidan, taasoo keentay in uu dagaal furan ku baaqo Baarlamanka Azerbaijan.

Dhanka kale, MW Azerbaijan ayaa sheegay in ay dagaalka joojinayaan marka ay Armenia ka wada baxdo Nagorno-Karabakh oo ay isku hayaan labadan Jamhuuriyadood oo ka wada tirsanaa Soofiyeetkii burburay, balse ah gobol uu caalamku u aqoonsan yahay oo ku yaalla bartamaha Azerbaijan.

Hadalsame Media