Baqbaqaayo dadkii soo booqanayey ”aflagaadeeyey” oo laga saaray xero xayaan oo ku taalla Ingiriiska (Dhacdo yaab badan)

0

(Lincolnshire) 01 Okt 2020 – Shan shimbirood oo ah kuwa loo yaqaan Baqbaqaa ayaa laga saaray xero xayawaan oo ku taalla dalka Ingiriiska kaddib markii ay bilaabeen inay caayaan dadka beerta soo booqanaya.

Shimbirahan edebta daran ayaa haatan lakala geeyey kaddib markii ay aflagaadeeyeen dhowr qofood oo kala duwan oo kasoo sheegtay, maalmo uun kaddib markii loogu deeqay beer xayawaan oo ku taalla Lincolnshire Wildlife Park oo ah bariga England.

“Way wada caaytamayeen, kaddib waxaan bilownay in aannu ilmaha yar u welwelno si aanay af xumada uga baran,” ayuu yiri Maareeyaha beerta, Steve Nichol, oo u warramay CNN Travel.

“Waxay igu tilmaamayeen nacas cayishey mar kasta oo aan ag marayo,” ayay ku cabatay gabar la yiraahdo Nichols.

Baqbaaqaayadan oo laga keenay qaaradda Afrika ayaa lakala yiraahdaa Eric, Jade, Elsie, Tyson iyo Billy — waxaana laga kala keenay 5 qof oo kala duwan oo ku deeqay isla hal todobaad gudihii, balse waxay ku wada jireen hal meel oo lagu karaantiilay kahor intaan xerada la gaynin.

Balse waxaa markiiba shaqaalaha u cadaatay in shimbirahani ay wax badan wadaagaan.

Maamulka xerada ayaa sheegay in ay awal dhici jirtey inay labadii todobaadba xerada ka saaraan 2 baq baqaa oo edeb daran, balse ay markan bixiyeen 8 xabbo oo ay shantani ku jiraan.

Baqbaqaaga caddayska ah ee Afrika ayaa ka mid ah kuwa loogu jecel yahay caalamka, iyadoo UK oo qura lagu haystey 1-1 milyan oo noocaas ah 2019-kii, sida ku cad tirakoobka Jamciyad ay leeyihiin wershadaha soo saara cuntada xayawaannada dab-joogta ah.

Elsie, waxay ka mid tahay shimbiraha dadka caayey.

Hadalsame Media