RASMI: AC Milan oo la saxiixatay ”Kaka-ha Norway” & lambarka uu qaatay + Sawirro

0

(Milano) 01 Okt 2020 – Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ula wareegtey laacibka da’da yar ee Jens Petter Hauge oo lagu naanayso ”Kaka-ha Norway” oo ay kasoo qaateen Bodø/Glimt.

Laacibkan garab weerarka ah oo ka dheeli kara bidix, midig iyo lambarka 10-aad, oo wacdaro ku dhigay isla Milan oo 3-2 Khamiistii hore kooxdiisa uga badisay, ayaa Milan qandaraas la galay tan iyo Juun 2025, sida lagu sheegay webka Rossoneri.

“AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo inay si rigli ah ula heshiisey laacibka Jens Petter Hauge oo ay kasoo qaadatay FK Bodø/Glimt,” ayuu u dhignaa war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda.

Waxay sheegeen inuu laacibkan Norwegian-ka ah ee 20-jirka ihi uu Rossoneri la joogayo ugu yaraan ilaa Juun 30 2025-ka.

Wuxuu qaatay lambarka 15-aad, isagoo u diyaar ah isla kulanka soo aaddan ee Horyaalka Talyaaniga ee ay Axadda Milan la yeelanayso Spezia, waloow uu ka maqan yahay ciyaarta caawa ee bug-baxda EL.

Hadalsame Media