Armenia oo ka qaylisay farsamo dhanka cirka ah oo uu Turkigu ku taageeray dalka Azerbaijan

0

(Yerevan) 01 Okt 2020 – Armenia ayaa ku doodaysa in Taliska Ciidanka Cirka Azerbaijan gebi ahaanba lagu wareejiyey Turkiga kuwaasoo waxyeello ba’an u gaystey ciidamadooda ka dagaallamaya Nagorno-Karabakh, sida ay ku doodayso Yerevan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Shushan Stepanyan, ayaa ku doodaysa in saraakiil Turkish ihi ay “si toos xakamaha ugu hayaan” Ciidanka Cirka Azerbaijan iyagoo wata dayuuradaha basaaska ah ee E-7T kuwaasoo iyaga oo dul haadaya magaalooyinka Turkiga ah ee Erzurum iyo Kars, oo ku beegan xadka galbeed ee Armenia, awood u leh inay u digaan ciidanka Azerbaijan amaba ay u far muuqaan bartilmaameedyada muhimka ah ee Armenia, sida ay Armenia sheegayso.

Ciidanka Cirka Turkiga ayaa la ogyahay inay haystaan ugu yaraan 4 dayuuradood oo ah Boeing 737 AEW&C, oo sidoo kale Turkiga looga yaqaan E-7T. Waxay leeyihiin raadaar mar qura qaban kara dhul fidsan 600 km, waxaana loogu tala galay bixinta digniinaha hore ee weerarrada cireed iyo agaasinka kuwa lidka ku ah.

Stepanyan ayaa sheegtay in Ankara ay agaasintey ugu yaraan 2 weerar cireed oo ay gaysteen Ciidanka Azerbaijan kuwaasoo lala eegtay magaalooyinka Hadrut iyo Martuni, oo ku yaalla gobolka la isku haysto.

Waxay kale oo Turkiga ku eedeeysay inay dagaalka si toos ah ugu jireen ugu yaraan 2 ka mid ah dayuuradaha F-16 ee Turkiga, waloow aysan sheegin waxyeellada kasoo gaartey dhankooda.

Turkey ayaa beeniyey warkan iyadoo uu Wasiirka Gaashaandhigga Turkigu sheegay in Ciidanka Azerbaijan ay leeyihiin “cudud iyo xeel ay ku gaaraan guul iyagu soo hooyeen” isagoo sheegay in Yaravan ay waddo dacaayad aan caddayn wadan oo aan u qalmin in laga fikiro.

Hadalsame Media