”Xildhibaannadu hadda gacanta unbay iska taagaan!” – Xil. Sheegay in Guddoonka Baarlamanku uu awooddii maroorsaday

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2020 – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka Dhexe ee Federaalka ah ee Somalia ayaa Guddoonka Baarlamanka ku eedeeyey inuu la wareegay awooddiia Golaha Shacabka, mar uu la hadlayey hilinka Somali Cable TV.

“Aniga baarlamaanka aan hadda ku jiro waxaan ku aqaannaa Baarlaman gacanta ay taagayaan aan iyagu lahay ee uu Guddoonku iska leeyahay,” ayuu yiri Sakariye.

Xildhibaan Sakariye ayaa ku dooday in Xildhibaannadu ay haatan iska yihiin xayn meel ku xaraysan oo kaliya raaca wixii loo yeeriyo.

“Taaga gacanta haddii la yiraahdo, wax uun lee u taaga, way iska taagayaan.” ayuu daba dhigay.

Xildhibaanka ayaa iftiimiyey in ay taasi meesha ka saartay shaqadii asaasiga ahayd ee uu Baarlamanku lahaa ee ahayd inuu la xisaabtamo hay’aadka kale ee DF, gaar ahaan Waaxda Fulinta.

“Arrintaasi waxa ay daba rogtay isla xisaabtankii laga rabay Golaha Shacabka.” ayuu yiri.

Caadiyan Guddoonka Golaha Shacabku waa inuusan go’aan yeelanin, balse waxaa marar badan la arkayey Guddoonka oo ku jira shirar siyaasadeed ama la kala safanaya dhinacyada kale ee DF amaba u ololaynaya in sharci Baarlamanka hor yaalla la diido ama la ansixiyo, taasoo khalad wayn ah.

Hadalsame Media