DAAWO: Turkiga oo tijaabadii ugu dambaysey marsiinaya gantaal markab dile ah (Muuqaallada u gaarka ah)

0

(Ankara) 30 Sebt 2020 – Turkiga oo haatan marxaladdii ugu dambaysey marsiinaya tijaabada gantaal badeedkii ugu horreeyey ee uu si maxalli ah u sameeyo, kaasoo lagu magacaabo, Atmaca, kaddib la bilaabi doono in isagoo badan lasoo saaro, sida uu sheegay Guddoonka SSB, Ismail Demir.

Wuxuu sheegay in hal tijaabo oo qur ihi u hartay gantaalkan markab dilaha ah, kahor inta aan isagoo badan la farsamaynin.

Demir ayaa Twitter ku sheegay in gantaalka Atmaca lagu xirey hagitaan madax bannaan oo isaga la socda, kaasoo aan u baahnayn kana madax bannaan inuu adeegsado Hannaanka Meeleeyaha Caalamiga ah ee GPS, si aan galaangal sahlan loogu yeelan.

Tijaabadaa ayaa lafteeda lagu guulaystey, waxaana kaliya harsan in la tijaabiyo isaga oo sida madaxyo nool, isagoo sidoo kale noqday gantaal u gigsan kara dagaal danabeedka (EW) oo ay adag tahay in la jaam gareeyo ama la jahawareeriyo.

Gantaalkan oo howshiisu soo bilaabatay 11 sanadood kahor, ayaa waxaa tijaabadan harsan kaddib si buuxda usoo saari doonta Roketsan oo qandaraas ku qaadatay 2018-kii.

Guddoonka Roketsan, Murat Ikinci, ayaa sheegay in gantaalka Atmaca oo ah nooca kuruuska ah, isla markaana gaari kara fogaan dhan 250 KM (155 mayl), uu yahay mid sita muuqaallo iyo tiknolojiyad ay heli karaan dalal aad u yar, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Badda Turkigu ay kaga maarmi doonaan kuwa noocan ah ee ay soo iibsadaan, halka qaar kalena dibedda loo iib gayn doono.

Hadalsame Media