Dayuurad booyad ah oo beerka dhulka dhigatay halka ay burburtay F-35B ay shidaal hawada ku siinaysay oo ay isku dheceen + Sawirro

0

(Thermal) 30 Sebt 2020 – Dayuurad ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka oo ah nooca F-35B ayaa hawada kula dhacday dayuurad ah KC-130J oo shidaal siinaysey, taasoo keentay inay dayuudii fududayd ay burburto halka middii booyadda ahayd ay ku dhex degtey meel beer ah.

Labada dayuuradood ayaa isku dhacay markii ay saacadda maxalliga ihi ahayd 4pm, sida ay sheegtay Rugta Naval Air Facility El Centro.

Duuliyihii dayuuradda qaaliga ah ee F-35B ayaa baarashuudka ka goostay iyadoo ay dayuuraddu ku dhacday meel aan ka fogayn magaalada Salton City.

Dayuuradda shidaalka siddey ayaan iyadu burburin, balse waxay si deg deg ah u caga dhigatay bartamaha beer u dhow garoonka Jacqueline Cochran Regional Airport ee magaalada Thermal. 8 shaqaale ah oo saarnaa waxba ma gaarin.

Muuqaallo laga soo qaaday dayuuradda oo lagu faafiyey saxaafadda maxalliga ah ayaa muujinaya dayuuradda KC-130J oo caloosha dhulka ku haysa, iyadoo ay maqan yihiin laba ka mid ah marawaxadeheedii.

Waa markii 2-aad ee ay muddo 2 sanadood ah Maraykanka ku burburto dayuurad F-35B ah oo 2018-kii ayay midi ku dhacday gobolka South Carolina.

Waxaa bilowday baaris ku aaddan shilkan.

Hadalsame Media