Arrin nasiib darro ah oo maanta ka dhacday magaalada Hargaysa

0

(Hargaysa) 30 Sebt 2020 – Waxaa maanta mahaalada Hargaysa ka dhacday arrin murugo leh oo dhex martay nin goomiiste iyo nin ka mid Golaha Wakiillada Somaliland.

Wiil Banjariye ama Goomiiste Hargaysa ku haysta ayaa la sheegayaa inay is af dhaafeen Xildhibaan la yiraahdo Axmed Kijaandhe.

Deeto Xildhibaanka laftiisa iyo xubno ka mid iyo qoyskiisa ayaa la sheegayaa inay wiilkii goomiistaha ahaa dhaawac halis ah u gaysteen.

Wiilka ayaa deeto isbitaalka loola cararay, halkaasoo uu iminka yaallo isaga oo miyir daboolan, sida ay ehelkiisu sheegayaan.

Waxa la isku qabtay ayaa lagu sheegay lacag aad u yar oo gaaraysa 3,000 oo Shilinka Somaliland ah.

Waa arrin nasiib darro ah oo ay bulshadu aad uga gilgilatey in qof ku mushaar qaata u adeegidda bulshadu uu isagu nidaamkii iyo mas’uuliyaddiiba kharribo.

Hadalsame Media

Facebook Comments