Koox Imaaraati ah oo lasoo wareegtey laacibkii ugu horreeyey ee isaga oo jinsiyad Israeli ah sita u ciyaara koox Carbeed

0

(Dubai) 30 Sebt 2020 – Laacibka Israeli-ga ah ee Diaa Sabia ayaa noqday laacibkii abid ugu horreeyey ee la saxiixda naadi Carbeed isagoo sita jinsiyad Israeli ah, wax ka yar 2 todobaad uun kaddib markii Washington lagu saxiixay heshiis u dhexeeya Israel iyo Imaaraadka.

Laacibkan 27-jirka ah oo kubad dhise iyo weerar dhexe ah ayaa laga soo iibsadey kooxda Guangzhou ee dalka China, isagoo qandaraas 2 sanadood ah qalinka kula aasay kooxda Dubai ka dheesha ee Al-Nasr.

Sabia, waloow uu sito jinsiyad Israeli ah misna sinji ahaan waa Carab Falastiini ah oo kasoo jeeda qoys Muslim ah, isagoo ku dhashay magaalada Majd Al-Krum oo ka mid dhulka haatan ka tirsan Israel, gaar ahaan dhanka woqooyi oo ay Carab badani deggan tahay.

Waxaa magaaladaa iyo aaggaas lagu qabsaday dagaal dhacay 1948-kii.

Inta badan dadkii halkaa deganaa waxay u carareen dalka Lubnaan, gaar ahaan xeryaha qaxootiga ee Sabra iyo Shatila oo sanadkii 1982-kii ay ciidamada Israel inta iridda ka xireen ay halkaa ku xasuuqeen.

Hadalsame Media