XOG SIRDOON: Armenia oo gantaalihii caasimadeeda difaacayey ee S-300 u rartay aagga hore ee dagaalka

0

(Yerevan) 30 Sebt 2020 – Armenia ayaa bilowday inay hannaanka difaaca cirka ee laga rido gantaalaha S-300 ay u daabusho aagga ku dherersan xadka dhulka ay ka haystaan Azerbaijan iyadoo kasoo qaadday caasimadda Yerevan, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan.

“Waxaannu xog sirdoon ku helnay in gantaalaha lidka dayuuradaha ee S-300 oo difaacayey hawada Yerevan loosoo qaaday dhanka dhulka la haysto,” ayuu yiri Gaashaanle Vagif Dargahli, oo warfaafinta ugu qaybsan WG.

Wuxuu ku falax gooddiyey in gantaalahaasi ay ku calaf noqon doonaan hubka kale ee ciidan ee ay ka burburiyeen Armenia ee yaalley aagga Nagorno-Karabakh.

Dargahli ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyey ay gaadiid badan ku burburiyeen isla markaana ay taangiyo ku gubeen dagaal ka dhacay tuulada Goyarkh ee degmada Aghdara.

Labada dhinac ayaa guulo kala sheeganaya iyagoo adeegsanaya dacaayado muuqaallo iyo qoraalba ah.

Hadalsame Media