Shirkadda Favori oo shaqaalaha amaanka amar cajiib ah kusoo rogtey (Warqad aan helnay & waxa ku qoran)

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2020 – Shirkadda Turkiga ah ee maamusha Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ayaa soo rogtey amar cusub oo durba doodi ka timid.

Amarkan ayaa faraya shaqaalaha dhanka amaanka wuxuu farayaa inay istaagaan marka uu ag marayo qof maamule ihi si ay “xushmad ugu muujiyaan.”

Amarkan ayaa dhaqan gelay isla maalintii warqadani soo baxday oo ku beegnayd 6-dii Luulyo.

Arrintan oo aanay dadku horay u ogayn balse hadda laga war helay ayay dadka qaarkood ku tilmaameen wax iska caadi ah, halka ay dad kale ku sheegeen wax aan daruuri ahayn, maadaama ay shaqaalaha amaanka iyo shirkadduba ay rayid yihiin ama uu midkood yahay.

Hadalsame Media