“Hoggaamiyihii shalay dhintay ee Kuwayt wuxuu jeclaa inuu Somalia oo uu beer ku lahaa ku dalxiiso”

0

(Hadalsame) 30 Sebt 2020 – Shalay magaalada/dalka kuwait waxaa ku geeriyoodey laba qof oo caan ah, midna wuxuu ahaa amiirkii dalkaas Sheekh Jaabir Al Axmad Al Sabaax, midna wuxuu ahaa Sheekh Cabdiraxmaan Cabdulkhaaliq, caalim iyo daaci macruuf ah oo asal ahaan Masar ka soo jeedey laakiin 50 sano ka badan degganaa Kuwait, waxaanan ku qaabilay gurigiisa kuwait 2006 mar aan booqday, khudbadihiisana waan ka qayb galay.

Mid sheekhnimadiisu waa diinta, kan kalena waa jagada. Ilaahay labadaba ha u naxariisto.
Dalka Kuwait wexey kaga duwantahay dalalka Khaliijka, hawla siyaasadeed oo sirgixan kama gasho inta badan dalalka kale ee ay mucaawanada siiso, hantida buuran ee Ilaahay siiyey.

Soomaaliya xiriir wanaagsan ayey la lahayd, amiirka geeriyoodey wuxuu Afgooye ku lahaa beer weyn, wuxuuna sheegi jirey meesha uu ugu jecelyahay inuu fasax ku qaato waa Soomaaliya.

Waxaan ogahay in dalka kuweyt uu diyaar u ahaa, jeclaana dib u dhis dhab ah inuu ka geysto soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaale sida: biyaha, korontada, wadooyinka, cisbitaallada, jaamacadaha, hayeeshee ma uusan helin siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal soomaaliyeed oo hankaas la wadaaga.

Waxa ugu badan oo ay weydiisan jireen waxay ahayd: “xoogaa shilimaada oo lagu sooryeeyo” mid baa mar weydiistey: “amiir sabaaxow 40 qof xajka ma ii geyn kartaa?” Amiir sabaax inta qoslay: ayuu yiri: waayahay, warqadiina xoghaynta ayuu u dhiibey”. Kadibna waxaa wasiirrada qaarkood isku dagaaleen: lacagta yar yaa lagu soo xawilayaa?

Sidaas ayaa siyaasiyiinta hankoodu ahaa! Halka amiir sabaax: 40 bilyan oo doollar ay u tahay: koob shaaha oo la cabbayo, waxaana la hubaa inuu siin lahaa soomaaliya haddii wadda cad, iyo mashruuc hufan oo diraasaysan loola tago!

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media