Weriye Masri ah oo ku jeesjeesay kalluumaysato Falastiini ah oo ay sabab la’aan u dileen Ciidamada Badda Masar

0

(Qaahira) 29 Sebt 2020 – Weriye ka howlgala TV u janjeera dhanka taliska Masar, Ahmed Moussa, ayaa shalay ku faanay dil ay Ciidanka Badda Masar u gaysteen 2 nin oo Falastiini ah oo la sheegay inay soo galeen biyaha Masar.

“Qof kasta oo isku daya inuu biyeheenna soo galo waa la jarjarayaa, cid aan u raaxaynayno ma jirto,” ayuu ku tookhay Moussa.

“Xadku cid kasta waa u khad cas…. haddii uu qof isku dayo inuu soo tillaabana, nolol ku noqon maayo. Xamaas waa maqlaysaa waxa aan leeyahay.” ayuu daba dhigay isagoo farxad ka muujinaya kalluumaysatada masaakiinta ah.

Sida ay werisey, Anadolu Agency falka lagu diley kalluumaysatada ayaa dhacay Sabtigii iyadoo uu jiro mid kale oo ay xirteen.

Madaxa Iskaashatada Kalluumaysatada Gaza, Nizar Ayyash, ayaa isna sheegay in ciidamada badda Masaaridu ay soo cayrsadeen labads nin kaddibna ay sabab la’aan ugu shiish barteen oo rasaas huwiyeen, jeer aanu jirin sabab waafaqsan Xeerka Caalamiga ah oo dhigaya in la toogto xitaa haddii ay xad kasoo gudbeen.

Wuxuu kaloo Ayyash xaqiijiyey in nimanka la diley iyo midka la xirtey ay yihiin walaalo ku noolaa Deir Al-Balah, oo ah bartama Gaza.

Hadalsame Media