”Dadka Carabta ah ayaa sabab u ah faafitaanka cudurka coronavirus!” – Wasiirka Cadaaladda Israel

0

(Tel Aviv) 29 Sebt 2020 – Dadka Carabta ah iyo Yuhuudda asal raaca ah ee ultra-Orthodox Jews ayaa ka dambeeya faafitaanka cudurka coronavirus ee faraha ba’an ku haya Israel, sida ay qabto Wasiirka Cadaaladda, Avi Nissenkorn.

“Mudaaharaadyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Tel Aviv ma aha sababta keentay faafitaanka coronavirus, balse wuxuu fayrusku ka dhex dillaacay bulshooyinka Carabta iyo Yuhuudda loo yaqaan Hareediga, taasoo keentay inuu dalka oo dhan ku faafo,” ayay ku doodday Nissenkorn oo la hadashay Channel 12.

“Ulama jeedo inuu cudurku iyaga ka dhex bilowday asal ahaan. Waana xushmaynayaa bulsho kasta iyo qof kasta oo ka tirsan Israel,” ayay daba dhigtay, iyadoo sheegtay inay ula jeeddo mowjaddan dambe ee rogaal celiska ah.

Sabtigii oo qura waxaa Israel laga diiwaan geliyey 8,221 kiis oo COVID-19 ah iyo 10 dhimasho oo cusub.

Warka Wasiiradda ayaa ku fooggan dadka Carabta ah ee ku dhex nool Israel kaddib markii xoog looga qaatay magaalooyinkii iyo degaannadii ay ku noolaayeen.

Hadalsame Media