Muran ka dhashay Garoonka Aadan Cadde oo la xalliyey & war cusub oo kasoo kordhay waxa la isku hayey

0

(Muqdisho) 29 Sebt 2020 – Waxaa haatan xal laga gaarey ismari waa saaka ka bilowday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay shaqo joojin kedo ah ay sameeyeen shirkadaha dayuuradaha maxalliga ah ee gobollada aada.

War dheeraad ah oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya inay shirkaduhu ay ka cabanayeen wax ay u arkeen caddaalad darro iyo naas nuujin gaar ah.

MAXAA DHACAY? Xogta uu helayo Hadalsame Media oo xiganaya ilo wargal ah ayaa sheegaysa in dayuurad u socotey Gobolka Gedo laga celiyey, iyadoo ay Hay’adda Nabadsugidu ku wargelisey inay gobolkaa kaliya aadi karaan 2 dayuuradood, taasoo loo arkay gacan togaalaysi cusub (duopoly).

Markii ay halkaa joogtey, waxaa kulan iskugu Guddiga Dallad ay ku midaysan yihiin sharikaadka sameeya duullimaadyada maxalliga ah oo guddoonsadey inay joojiyaan gebi ahaanba shaqada.

Waxaa deeto mar qura saxmad miiran noqday garoonka oo ay isku soo gaareen rakaab badan oo gobollada u kala duuli lahaa, iyadoo aanay arrintan weli ka hadlin Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee SCAA oo ah midda shaqadan iska leh.

Waxaan sidoo kale la fahmi karin waxa Nabad Sugidda dhex geliyey arrintan iyo doorka shaqo ee ay ku yeelan karto dayuuradaha iyo duullimaadyada oo leh hay’ad iyo Wasaarad ku shaqo leh.

Hadalsame Media