Imaaraadka oo Turkiga kula kacaya arrin lagu tilmaamay mid ”san taabasho ah!”

0

(Abuu Dabeey) 29 Sebt 2020 – Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa rajo ka qaba inuu Maraykanka ka iibsado dayuuradaha F-35, balse waxay sidoo kale doonayaan inay iibiyaan raxan ka mid ah dayuuradaha F-16, kuwaasoo ay lacag yar ka siinayaan dalka Giriigga.

Imaaraadka ayaa arrintan uga gol leh inay ku daandaansadaan Turkiga oo ay Giriigga isku hayaan Bariga Badda Dhexe oo saliid badan lagu tuhmayo.

Waloow aysan Imaaraadku weli si rasmi ah u sheegin arrintan, misna waxaa sheegaya xogo hoose, sidoo kale Imaaraadka ayaa haddii uu helo dayuuradaha F-35 aan u baahnayn qaar ka mid ah 80-ka xabbo oo ah dayuuradaha F-16 ee uu haatan haysto.

Dayuuradaha F-16 ee uu Imaaraadku haysto oo uu iibsadey 2004 ayaa ah moodallada ugu casrisan iyagoo ku qalabaysan raadaarka Northrop Grumman APG-80 AESA, kaasoo awood u leh in ishaarada raadaarka la weecweeciyo iyadoo aan anteenada la leexinayn iyadoo la adeegsanayo dhudo elektarooni ah.

Waxay sidoo kale leeyihiin kayd-xogeedka MIL-STD 1773 oo awood u leh inuu maareeyo xogaha qeeriin ee isla marka uu falku dhacayo la helo.

Yeelkeede, F-16-nada Imaaraadka oo ah nooca loo yaqaanno   Block 60, ayaa hal tillaabo ka dambeeya isla nooca F-16 ee Block 70/72 Viper oo ay adeegsadaan Ciidamada Cirka Maraykanka ee USAF.

Caadiyan ma jiro wax taariikh ah ama iskaashi amaan ah oo Imaaraadka kala dhexeeysey Giriigga marka laga reebo wax beri dhowayd la yabyabay, wuxuuna arrintan kaliya usoo dhex galay inuu Turkiga ku cadaadiyo, isagoo beri dhowayd dayuurado u diray jasaa’irka Giriigga si ay dhoollatus isula sameeyaan.

Imaaraadka ayaan la garanayn danta istaraatijiga ah ee ugu jirta inuu dhex boodo dal Muslim ah oo ay is hayaan dal ay ka dhexeeyaan doodo taariikhi ah oo uu dhul ku jiro, iyadoo ay dad badani odoroseen in Imaaraadku uu magac xumo iyo dhib uun ka dhaxli doono siyaasadda ka dhanka ah Muslimiinta kale ee uu lasoo baxay sanadihii dambe, si uu u qanciyo Maraykanka iyo Israel.

Beri dhowayd, Danjirayaasha Maraykanka u fadhiya Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa war ay kula sheekaysteen Senatar Ted Cruz oo ay u sheegeen in sababta ay xiriirka ula samaysanayaan Israel ay tahay inay ka farxiyaan oo qanciyaan Washington, sida uu isagu sheegay.

Hadalsame Media