Duq Magaalo oo u dhintay cudurka Covid-19 oo la doortay isagoo mootan

0

(Deveselu) 29 Sebt 2020 – Maayar u dhashay dalka Rumaaniya oo toddobaadyo ka hor u geeriyooday faayraska corona ayaa guul weyn ka soo hoyey doorashada deegaanka ee magaalada Deveselu ka dhacday.

Mr-Ion ayaa marki seddexaad loo doortay inuu noqdo Maayarka magaalada Deveselu oo ku taalla Koonfurta Rumaaniya isaga oo helay cod dhan 64%.

Mas’uuliyiinta doorashada dalkaasi waxay sheegeen Maayarka oo aan nooleyn in markale la doorto iney keentay sawirradi ololaha doorashada u ku galay oo magalada sidooda ugu dhajisan.

Dad aad u tira badan ayaa booqasha ku tagay halka lagu aasay Mr Aliman.

Muuqaal laga soo duubay shacabka booqashada ku tagay qabriga maayarka geeriyooday waxaa lagu arkayey mid ka mid ah shacabka oo leh Mr Aliman ‘Waa Guushaadi”.

Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa markii danbe qabtay doorasho labaad.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media