Armenia oo ku gooddisey inay isticmaali doonto gantaalka Iskander kaddib markii dayuurad laga soo ridey (Turki oo beeniyey in…)

0

(Yerevan) 29 Sebt 2020 – Armenia ayaa ku doodaysa in dayuurad ay leeyihiin Ciidamada Cirka Turkiga oo F-16 igi ay soo riddey dayuurad ay leeyihiin oo ah Su-25.

Yerevan ayaa sheeganaysa in dayuuraddan lagu soo ridey dagaalkan oo maalintii 3-aad ka soconaya gobolka la isku haysto ee Nagorno-Karabakh, iyagoo xaqiijiyey inuu duuliyihii ku dhintay.

Armenia ayaa ku gooddisey inay hadda kaddib adeegsan doonto gantaalka Ruush sameega ah ee Iskander oo ah nooca baalistigga ah, haddii uu Turkigu uu markale kusoo weeraro dayuuradaha F-16.

Yeelkeede, waloow ay Ankara si cad u sheegtay inay taageerayso dalka Azerbaijan oo ay isku dad yihiin, misna afhayeen u hadlay MW Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyey sheegashada Yerevan, isagoo la hadlay Bloomberg.

Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbaijan ayaa iyaduna beenisey in dayuuradda F-16 ah ee soo riddey midda Armenia ay Turkigu leeyihiin.

F-16 uu Turkigu leeyahay oo ku degaya saldhig-cireedka Incirlik ee Adana

Hadalsame Media