Macallimad sumaysay boorashkii ay ku quraacanayeen carruurtii iskuulkeeda oo dil lagu xukumay (Sababta ayaa ka daran)

0

(Henan) 29 Sebt 2020 – Macallimad wax ka dhigta iskuul nooca xannaanada ee la jiifto ah ayaa sumeeyey 25 arday, oo uu midkood dhintay, kaddib markii ay murmeen qof ka mid ah shaqaalaha, ayay maxkamadi toogasho ku xukuntay.

Maxkamadda xukunka riddey oo ah Maxkamadda Dadwaynaha ee Jiaozuo oo ku taalla gobolka Henan ayaa qofka dilka gaystey ku sheegtay Wang Yun oo ay tillaabadeeda ku tilmaantay mid “halis ah oo aad halis u ah” ayaa sheegtay in sharciga la marsiin doono.

Muranka macallinka kale ayaa ku saabsanaa qofkoodii ku fiican la macaamilidda ardayda yar yar, balse subaxdii xigtey markii ay taariikhdu ku beegnayd 27-kii Maarso 2019-kii, ayay Wang ilmaha uu macallinka kale hayey waxay boorashkii ay ku quraacanayeen ugu dartay maadada nitrite, taasoo ay qaab online ah usoo iibsatey.

Sida ay qabto Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Maraykanka, maadada nitrite waa sun loo adeegsado bacriminta beeraha, kaydinta cuntada, rasaasta iyo qaraxyada.

Cadad badan oo iyada ihi marka uu qofka jirkiisa galo wuxuu u diidayaa inuu dhiiggu si saaxi ah u qaato ogsijiinka, taasoo keenaysa inay qofka neeftu ku dhegto.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay Wang wax sumayso, waayo Febraayo 2017-kii waxay isla nitrite galaas cabitaan ah ugu qastay ninkeeda oo la yiraahdo Feng, waloow uu ka kacay.

Hadalsame Media