XOG: Maraykanka oo Suudaan ku cadaadinaya arrin ay dunidu la yaabban tahay

0

(Kharduum) 28 Sebt 2020 – Maraykanka ayaa dalka Suudaan ku cadaadinaya inuu aqbalo in qaxootiga Falastiin dalkooda lasoo dejiyo, sida uu sheegay Bassam Al-Salhi oo ka tirsan Guddiga Fulinta PLO, oo la hadlay Anadolu.

“Warar aannu ilo gaar ah ka helnay ayaa sheegaya in Maraykanku uu wada hadallo socda kula jiro Suudaan oo uu ku cadaadinayo in tibxaha heshiis ay la galaan Israel lagu daro in qaxootiga Falastiin la keeno dalkooda, si ay qayb uga noqdaan waxa lagu sheego ”Heshiiska Qarniga” ee lagu qoor qabanayo dalal badan oo ku yaalla Bariga Dhexe.

Qadiyadda qaxootiga Falastiin ayaa ah arrin aad xasaasi u ah oo aan ka dhib yarayn arrimaha kale ee la isku hayo, waayo Israel ma ogola inay dalkooda kusoo laabtaan qaxootiga dibad joogga ah ee Falastiin, waxaana horay arrinta dib u dejinta loogala hadlay dalal kale oo Carbeed sida Masar, Urdun iyo qaar kale, balse waxaa sheekada ku cusub Suudaan oo aadba uga fog.

Suudaan ayaan arrintan weli ka hadlin, iyadoo horay u beenisey inay kulan ku saabsan heshiiska Israel ay Imaaraadka kula yeesheen Abuu Dabeey.

Hadalsame Media