Waa maxay khasaaraha dunida u gu sugan basarxumada siyaasadeed ee MW Donald Trump?!

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2020 – Donald Trump oo ah madaxweynihii 45 ee carriga Maraykanka, waqtiganna ay gabagabo tahay muddo xileeddiisii kowaad, masuuliyaddiisa wax uu la soo galay dhaqan ka duwan kii la gu yaqaannay siyaasiga casriga ah ee dimuqraaddiga ah.

Dalalka la isku yidhaahdo reer Galbeed wax ay ku soo guulaysteen loollan aydoolojiyadeed oo adag oo ay ka ga soo takhalluseen awoodo badan.

U gu horrayn wax ay soo burburiyeen hab-dawladeedkii boqortooyada iyo diinta isu huwanaa ee qarniyada badan dadkooda dusha ka saarnaa, taas oo ka qaraxday Kacaankii Faransiiska sannadkii 1789-kii.

Mar kale wax ay dumiyeen awoodihii Naziga iyo Faashiga ee ka soo ka la baxay Jarmalka, Talyaaniga iyo Isbeyn, kuwaas oo la yimid aydoolojiyad dadnimada iyo karaamadeeda cadaw u ah Dagaalkii Labaad ee Caalamka.

Mar saddexaad dimuqraadiyadda Galbeedku wax ay ka adkaatay quwaddii huwanta Shuuciga ee loo yaqaannay Warso oo iyaduna ahayd hab arxan daran oo diiddan xorriyadaha fikir, dhaqan, diineed iyo wax lahaanshaha dadka.

U gu dambayn maanta waxaa muuqata reer Galbeedku in ay muquuniyeen kacdoonnadii Islaam-doonka sheegtay ee ka dhex dillaacay qaar ka mid ah bulshooyinka Muslinka.

Xaqiiqadu wax ay tahay aydoolojiyadda reer Galbeed in ay marxaladahaas oo dhan soo adkaato wax caawinayay baa jira oo loo gu babacdhigi kari waayay.

Maxay tahay haddaba tabartaasi? Hub iyo ciidan ma aha oo Soofiyadkaba cidi ka ma hub iyo ciidan badnayn. Dhaqaale ma aha oo awoodihii ay jabiyeen cidi ka ma hodansanayn, sida Jarmal iyo Jabbaan. Xamaasad diineedna ma aha oo intaaba calmaaniyad bay u dagaallamayeen.

Xaqiiqada awoodda reer Galbeed wax ay ku qarsoon tahay aydoolojiyadooda. Akhlaaq ahaan ayay cid walba ka ga adkaadeen intii aanay hub ka ga adkaan. Wax ay kasbadeen caqliga iyo nafsiyadda dadkooda.

Dadkooda wax ay siiyeen qiimi nololeed oo sarreeya kaas oo dadyowga kale oo dhami ku riyoodaan. Wax ay siiyeen in ay doortaan dastuurka ay ku dhaqmayaan iyo masuuliyinta talada u qabanaysa ayna la xisaabtami karaan.

Wax ay siiyeen xorriyad fikir, diineed iyo hab-nololeed dhawrsan iyo xuquuq muwaaddinmimo iyo bani aadamnimo oo lamataabtaan ah. Wax ayna siiyeen awoodo iyo hay’ado dastuuri ah oo madaxbannaan oo ay ku ilaashadaan xorriyadaha iyo xuquuqaha ay kasbadeen.

Waxaas oo dhan bulshooyinka reer Galbeedku waa cidda qudha ee haysata cid bilow ku ah oo ay iyagu ku caawiyeen mooyee. Intaa uun ma aha ee wax ay dadyowga kale oo dhan gashadeen aragti ah in ay doonayaan liibaantaa ay haystaan in ay faafiyaan oo cid walba ku taageeraan in ay gaadho.

Dabadeed dadyowga dunida ee ku hoos jira dawladaha dulmiga, cadaadiska, xornimo la’aanta iyo kelitalisku nafsiyad ahaan laxankaa macaan iyo laacaa qurxoon bay wada laabraaceen.

Ilbaxnimada reer Galbeed wax ay noqotay iftiin la bidhaansado, loo haajiro oo la gu wada riyoodo. Taasina laba natiijo ayay dhashay. Ta hore waa reer Galbeedka oo noqday awood akhlaaqeed oo la loodin waayay dooddooda aydoolojiyadeed.

Ta labaadna waa dadyowga ku jira dawladnimada dullaysan oo baaqaa iyo iftiinkaa ka dhigtay yididdiilo iyo mustaqbal ay gaadhi doonaan. Dhanka kale arrintani wax ay wajigabax ku ridday oo ceeb ku noqotay dawladaha dadkooda dullaysta oo gartii ilbaxnimada la ga helay.

Haddaba Donald Trump dhaqanka uu la yimid oo la jaad ah ka madaxda dawladaha faasidka ah waa mid marka hore liilliijinaya tiirarkii u dhidbanaa nadaamka dimuqraaddiga iyo xorriyadda dalkiisa ee aynnu soo sheegnay, taas oo haddii ay jilicdo ama ruqdo saamayn xun oo toos ah ku yeelanaysa dunida oo dhan, xitaa Yurubta dimuqraaddiga ah, waayo Maraykanku isaga ayaa korka ka ilaaliya dalalkaa kale oo dhan.

Waa marka labaad ee wax ay niyadjab iyo rajo xumo ku dhacaysaa dadyowga u halgamaya heerka Maraykanku ka gaadhay xorriyadda iyo dimuqraadiyadda. Waa marka saddexaad ee waxaa dulmigii iyo faasidnimadii ku sii dhiirranaya dawladaha xunxun ee mugdiga iyo baaddilka ku dhisan kuwaas oo waayaya canaantii Maraykanka.

Trump intii uu talada hayay wax uu ku kacay falal sheegaya in uu la col yahay xorriyadda, sinnaanta iyo xaqdhawrka dastuurka. Wax uu sameeyay bililiqo uu ku la kacay dalalka itaalka daran haddana hodanka ah ee Gacanka Carabta.

Wax uu aflagaaddo iyo xaqiraad u geystay qaaradda dhan ee Afrika. Wax uu bahdilay madax badan oo dunida ah. Wax uu si quudhsi iyo kutumasho ah u la dhaqmay qofaf iyo qaybo ka mid ah dadkiisa.

Wax uu mowqif aan xilkas ahayn iska taagay gumaadka bilayska dalkiisu ku hayo dadka asalkoodu Afrikaanka yahay. U gu dambaynna wax uu af cad ku yidhi “la ma hubo in aan xilka nabad ku wareejinayo haddii doorashada soo socota la i ga helo”.

Dawladaha dimuqraaddiga ahi ma sii faalleeyaan falalka caynkan ah ee uu ninkani ku kaco, waayo waa ay ka baqayaan. Waxba ku ma aha in uu cunaqabatayn ganacsi ku soo rogo dawladda reer Yurub ee dhab u dhaliisha.

Dhanka kale madaxda reer Yurub wax ay ka baqayaan haddii ay basarxumada ku canaantaan in uu ka sii daro oo dunida qarribo. Sidaa darteed inta uu awoodda madaxnimada hayo dunidu middi afkeed bay ku socotaa.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media