“Halkan ayuu wax ku baran doonaa” – Wasiir Dibadeedka Turkiga oo la kulmay Guuleed Yare + Sawirro

0

(Ankara) 28 Sebt 2020 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Guuleed Cabdi oo ay Turkigu kasoo wadeen dalka Somalia.

Wasiirka oo si gaar ah u agaasimey Guuleed safarkiisa, isaga oo ay ku wehliyaan qoyskiisu, ayaa sheegay inay taageeri doonaan si uu hamigiisa u gaaro.

“Markii aannu aragnay hibada Guuleed oo isagoo aan tas-hiilaad ku filan haysan wax hindisey waxaan guddoonsanney inaan keennp Carwo-cireedka Teknofest.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuu intaa raaciyey inuu Turkigu damaanad qaadayo waxbarashada Guuleed oo ay taageero isla barbar taagayaan si uu hibadiisa uga mira dhaliyo mustaqbal dhow.

Hadalsame Media