”Waa la iskugu kaaya tegey!” – Armenia oo markii la kululeeyey Turkiga caro kula dul dhacday

0

(Yerevan) 28 Sebt 2020 – Dagaalka Armenia iyo Azeriyiinta ayaa maanta halkiisii kasii socdey iyadoo isku dhacyo cusub laga soo weriyey gobolka Nagorno-Karabakh, balse labada dhinac ayaa isku eedeeyey inay midiba adeegsanayso malliishiyaad Suuriyaan ah, waloow aanay midina caddayn keenin.

Koowdii, Yerevan ayaa Baku ku eedaysay inay qiyaasii 4,000 oo malliishiyaad Suuriyaan ah oo uu Turkigu soo daabulay la keenay Azerbaijan, sida ku qayla dhaamiyey Danjiraha Armenia u fadhiya Ruushka ee Vardan Toganyan.

Wuxuu sheegay in ciidamadan oo ay Turkigu ku diyaariyeen woqooyiga Suuriya dayuurado kiro ah lagu keenay isla markaana ay durbaba dagaalka qayb ka yihiin, waxaana warkiisa ku racay afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Yerevan, Artsrun Ovannisyan.

Waxay kaloo sheegeen in dayuuradaha F-16 ee Turkigu ay dagaalka galeen, waxayna tani muujinaysaa in Armenia oo Ruushku taageero la yara kululeeyey.

Baku, oo xiriir wanaagsan la leh Ankara ayaa markiiba beenisey warka Armenia oo ay warkeeda ku tilmaameen “war maalaa yacni ah oo daandaansi ah,” sida uu sheegay Khikmet Gadzhiev, oo ah la taliye sare oo la shaqeeya MW Ilham Aliyev, oo u warramay Reuters.

Ma jiro jacayl badan oo u dhexeeya Turkiga iyo Armenia oo Turkiga ku eedeeysa inuu ka laayey 1.5m intii u dhaxaysey 1914 ilaa 1923-kii.

Turkiga ayaa saldhig ciidan oo rigli ah ku leh dalka Azerbaijan.

Hadalsame Media