Khayrre oo la yimid dood sharci ah oo ku saabsan cidda xilka ku wareejinaysa RW Rooble

0

(Muqdisho) 26 Sebt 2020 – RW cusub ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa inuu xafiiska la wareego Axadda soo aaddan kaddib markii uu helay codka kalsoonida Baarlamanka.

Yeelkeede, waxaa durba kacday dood sharci ah oo ku saabsan cidda xilka ku wareejiaysa; Ma ku sime Mahdi Guuleed oo ahaa sii-hayihii ay xil-gaarsiintiisa dooddu ka taanayd, mise Xasan Cali Kheyrre oo ahaa RW rasmiga ahaa ee Rooble ka horreeyey?!

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Mahdi Guuleed uu qorsheynayo inuu isaga xilka ku wareejiyo Rooble, isaga oo horey u magacaabay guddi ka shaqeeya xil wareejinta, hase yeeshee waxaa taas dood ka qaba sharci-yaqaanada iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Marka la eego Dastuurka Qaranka, Mahdi Guuleed marnaba xaq uma lahayn inuu xitaa ku sime ahaan kursiga usii hayo, sidaa darteed ma aha nin hayey xil sharci ah, waxaanay taasi khasab ka dhigaysaa in uu xilka wareejiyo RW hore ee rasmiga ahaa.

Xog kale oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaysa in RW hore ee Xasan Cali Kheyrre uu qoray warqad uu ku hagaajiyey RW Rooble, isla markaana uu ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda Sare, taasoo uu ku caddeeyey in uu isagu yahay cidda sharciyan xilka wareejin karta, maadaama uu ahaa ninka hayey xilka lala wareegayo.

Wuxuu kale oo uu tilmaamay inuu doonayo inuu dokumentiyo iyo agabyo muhim ah ku wareejiyo RW Rooble, iyadoo uu Dastuurka qabyada ah ee la qaatay 2012-kii iyo kii horeba ay si cad u qeexayaan sidaas.

Waxay wax kastaahi ku xirnaan doonaan sida loo raaco ama loo dhinac maro xeerka iyo maamuuska dowladnimada, iyadoo haddii arrintan la dhinac maro ay sii dhiman karto sharciyadda iyo sumcadda XF.

Hadalsame Media