Ansixinta heshiiska doorashooyinka oo halis ku jira (3 qaybood oo khatar ku haya)

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2020 – Golaha Baarlamaanka Dhexe ee DF Somalia ayaa lagu wadaa inay berri u codeeyaan Heshiiska Doorashada ee ay wada galeen DF iyo Maamullada dalku.Ha yeeshee, waloow ay warar hore sheegayeen inuu heshiiskani Baarlamanka oo ka kooban labada aqal marayo, misna waxaa soo baxaya xogo sheegaya inaanu caqabad la’aan ahayn.

Xogaha soo baxaya ayaa tibaaxaya inay jiraan ugu yaraan ilaa 3 qaybood oo aan heshiiskaa ku qanacsanayn, kuwaasoo ku diiddan sababo kala duwan, waxaana ugu daran 3 qaybood:

1. Kutlad ka tirsan Xildhibaannada oo uu isku duwdey ama ku moowqif ah Gudoomiye-xigeenka 1-aad Md Muuddeey, kaas oo aan kasoo muuqanin kulankii Gunaanadka  ahaa ee lagu qabtay Madaxtooyada.

2. Guddoonka Gobolka Banaadir ee Cumar Filish ayaa isna la sheegayaa inuu ka mid yahay dadka diiddan heshiiskaas, isagoo ku qoonsaday 13-kii Senator ee metalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo maqaamka magaalada oo aan meel la saarin.

3. Qaybta 3-aad waa Xildhibaanno aan is muujinaynin, balse doonaya inay wax mashaqeeyaan, waxayna soo jeediyeen xeelad ah in ay codayntu qarsoodi noqoto si ay feerkoodu mugdiga ugu qariyaan. Qoladan lama oga ujeedkooda iyo sababta ay heshiiska u diiddan yihiin, balse waxay kaliya u muuqdaan kuwo foowdaynaya inuu dalku horay u socdo.

Ka dul boodidda Xildhibaannada oo ay shaqadoodii qabteen maamullada ayaa dhaliil loo jeediyey, balse misna waxaa jirta inay aad u yar tahay kalsoonida lagu qabi karo inta badan Xildhibaannada oo dhaqaaaq kasta oo ay samaynayaan inta badan ku saleeya danohooda khaaska ah iyo kharash la siiyo, waloow ay jiraan in aad u yar oo mabda’ qaran leh.

Hadalsame Media