Guuleed Yare oo ugu dambayn Turkiga u dhoofay & deeq waxbarasho oo dhanka Injineeriyadda ah oo la siinayo + Sawirro

0

(Ankara) 26 Sebt 2020 – Wiilka yar ee Guuleed Adem Cabdi ayaa u ambabaxay dalka Turkiga kaddib markii ay Turkiga oo haatan leh mid ka mid ah handasooyinka ugu wanaagsan daroonnada caalamku uu warkiisa maqlay isla markaana casuumey.

Weriyaha Turkiga ah ee Umit Cagri Sari, ayaa sheegay in Guuleed Yare oo Buuhoodle, Somalia ku sameeyey samballo dayuuradeed la siin doono tacliin dhanka injinneeriyadda ah, taasoo ah deeq waxbarasho oo ay siisay Dowladda Turkigu.

Guddoonka hay’adda TIKA ee Turkiga ayaa horay u sheegay inuu kulminayo muwaadinkan Soomaaliyeed ee Guuleed Adem Cabdi iyo ninka sameeyey daroonkii ugu horreeyey ee uu Turkigu abid yeesho.

Guuleed Yare oo lagu naanayso “Injineerka” isla markaana leh hibooyin iyo hal abuur gaar ah isla markaana dhowr mar isku dayey sameynta samballo diyaaradeed ayaa loo qaadayaa Turkiga si wax loo baro.

Madaxweynaha Hay’adda Gargaarka Turkiga ee TÌKA ayaa sheegay in wiilkan ay markii hore iyagu soo heleen kaddib markii lagu baahiyey baraha bulshada.

Guuleed ayaa ku nool magaalada Buhoodle ee gobalka Togdheer, ayaa horay in waxbarashada laga kaalmeeyo waydiistey Maamulka Puntand, balse wax gacan ah lama siin, sida ay xaqiijiyeen weriyeyaasha maxalliga ihi.

Wuxuu si gaar ah ula kulmi doonaa aabaha daroonnada is wada ee Turkiga Selcuk Bayraktar (UAV) qaarkoodna isaga loogu magac daray oo ay wada sheekaysan doonaan.

Hadalsame Media