Saldhigga Hawada Sare ee ISS oo laga kala cararay kaddib markii la arkay wax jihadiisa usoo socda

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2020 – Cirbixiyeenka Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare (ISS), ayaa ku khasbanaaday inay ka cararaan firirka Dayax-gacmeed kusoo wajahnaa halkii ay joogeen, fiidnimadii Talaadadii.

3 Cirbixiyeen oo kala ahaa Anatoly Ivanishin iyo Ivan Vagner oo Ruushan ah oo uu wehliyo Chris Cassidy oo Maraykan ah, ayaa bilaabay inay aag bedeshaan iyagoo saaran markab-cireedka Soyuz saacaddu markii ay ahayd 10:21pm GMT.

Nimanka ayaa ku cararay kaabsullo yar yar oo loogu tala galay in lagu badbaado jeer uu Markab-cireedku sabbaynayey meel dhulka u jirta 260 mayl (420km) isagoo ku socda xawaare dhan 17,130 mayl saacaddii (27,568kph).

Nasiib wanaag, wax kasta waxay ku dheceen sidii loo qoondeeyey oo halistii waa laga badbaadey, sida uu xaqiijiyay madaxa hay’adda NASA jaalle Jim Bridenstine, oo sidoo kale cabasho ka muujiyey dayax-gacmeedyada ku burburaya hawada sare oo halis amaan ku haya saldhigga ISS.

Firirkan wayn oo kasoo fuqay dayax-gacmeed Japanese ah oo la yiraahdo H-2A F40 ayaa dhowr KM u maray saldhigga ISS oo si kastaba sibiq ku badbaadey.

Hadalsame Media