Dadka Ceelwaaq oo DF ka codsaday in loosoo diro Ciidanka Haramcad kaddib dilal ay u gaysteen KDF (Dibedbax ay maanta dhigeen & dhacdo xanuun badan)

0

(Ceelwaaq) 25 Sebt 2020 – Dadka ku dhaqan magaalada Ceelwaaq oo ku taalla xad beenaadka Somalia-Kenya ayaa maanta dhigay dibedbax ay uga cabanayaan tacaddiyo ay u gaystaan Ciidanka KDF ee Kenya oo dadka rayidka ah iska qafaasha kaddibna dila.

Maalin kahor, Ciidanka Kenya ayaa diley qof rayid ah iyagoo qafaashay 3 kale oo ay kala bexeen guri ku yaalla agagaarka Yado oo u dhow Ceelwaaq.

Waxay markii dambe jidka soo dhigeen maydka mid ka mid ahaa 3-dii ay qafaasheen oo ay dileen.

Waxaa shilkan horay uga hadlay qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamanka DF Somalia, kuwaasoo Kenya ku eedeeyey inay ku tacadinayso dadka Soomaaliyeed ee halkaa ku nool.

Dibedbaxayaasha oo Ciidanka Kenya ku tilmaamay cadowga umadda, ayaa DF ka codsaday inay magaalada keento Booliiska sida gaarka u tababaran ee Haramcad, si ay dadka uga ilaaliyaan arxan darrada askarka Kenya, iyadoo sidoo kale dalbaday in ay cadaalad helaan dhibanayaashu.

Ciidanka Haramcad ayaa haatan ka howlgala degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Gedo iyagoo ka dhinac shaqeeya Ciidanka Xoogga Dalka Somalia oo aan agab ku filan haysan, waloow uu Maamulka Jubbaland oo ciidamadaa dood ka keenay aanu marna ka hadlin xadgububka Kenya oo uu la shaqeeyo.

Ceelwaaq ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha yar ee ay joogaan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo xulufo dhow la ah kuwa Kenya ee tacaddiga gaysanaya.

Hadalsame Media