Maraykanka oo markii ugu horreeysey Bariga Dhexe keenay ciidan nooc cusub (Waxa ay qabanayaan & dalka la keenay)

0

(Dooxa) 24 Sebt 2020 – Ciidamada uu Maraykanku dhowaan samaystay ee Hawada Sare (US Space Force) ayaa durba la keenay Jasiirad-u-ekaha Carabta waana markii ugu horreeysey ee ay degaan meel ka baxsan ciidda Maraykanka.

Hal koox oo ciidankan ka tirsan ayaa bishan la geeyey saldhigga Al-Udeid Air Base ee dalka Qadar. Sida ay sheegtay Xoghayaha Ciidanka Cirka (USAF), Barbara Barrett, waxaa lagu wadaa inay sidoo kale halkaa tagaan kooxo kale, iyadoo tirada guud ee halkaa saldhiganaysa ay gaari doonaan 16,000 oo iskugu jira ciidan cir iyo dad rayid ah.

Maareeyaha Saldhigga, Gaashaanle Todd Benson, ayaa Associated Press u sheegay in Maraykanku uu isu diyaarinayo dagaal istaraatiji ah oo ka dhaca hawada sare, maadaama ay dalalka kale haatan bilaabeen inay samaystaan ”hub ku shaqaynaya hawada sare,” sida uu yiri.

Yeelkeede, howsha 1-aad ee saldhiggan ayaa lagu sheegay mid ay diiradda ku saarayaan barnaamijyada gantaalaha Iiraan, waxaana dheer howlo ku saabsan tashwiish ku furid, jaam garayn, jabsi iyo indha-ridid ay ku samaynayaan dayac-gacmeedyadeeda yar yar, iyadoo ay Iiraan markii ugu horreeysey hawada u dirtay dayac-gacmeed uu walaac ka muujiyey Maraykanku.

Ciidamadan ayaa iyaga dhanba la hirgeliyey bishii Diseembar 2019-kii.

Hadalsame Media